Faa’iidada Shaaha Cagaaran (Green Tea)

 Waa maxay faa’iidada shaaha cagaaran (green tea)? Muxuu faa’iido u leeyahay shaaha cagaaran dhanka caafimaadka? Jawaabta waa mid fudud. Markad aad bilaawdo cabista shaaha cagaaran waxaad caafimaadkaaga ka dareemi doonto waxyaabo badan oo aan halkaan ku xusi doono. Faa’iidada shaaha cagaaran ee afka qalaad lagu yiraahdo green tea dad badan oo inaga mid ah waxba kama ogo, waana sababta keentay in aan halkaan ugu faa’iideyno.

2. Soomaalida iyo shaaha cagaaran

Waxaa inta badan la sheegaa in dadka ugu badan ee Soomaalida ah ee isticmaalo shaaha cagaaran in ay yihiin Soomaalida ku nool qurbaha gaar ahaan Soomaalida Minnesota. Tolow Farxiyo Kabayare iyo Hodan Cabdiraxmaan maka mid yihiin?

Dhanka kale shaaha cagaaran aad loogama isticmaalo dalkeena Somalia, maxaa yeelay dadka inta badan uma lahan wax dhadhan ah, waana sababta ay ku doorbidaan cabista caleenta shaaha madow.

Shaaha cagaaran waxaa ku jiro maaddooyin awood u leh in ay gaaraan maskaxda oo ay ka hortagaan in barootiinta dhibaatada ku keenysaa ay ku uruurto, waana sababta ay culimada saynisku u sheegayaan in Shaaha Cagaaran uu ka hortag u yahay isku-dhex daadashada maskaxda iyo in xusuustu ay yaraato, sidoo kale waxaa ku jira maaddo afka cilmiga lagu yiraahdo EGCG oo yareysa mid ka midah xanuunnada ugu khatarsan ee dumarka ku dhaca , kaasoo ah lafo-burburka. Intaas waxaa sii dheer sida daraasadaha cusub sheegayaan in shaaha cagaaran oo yareeya gabowga maqaarka, kana ilaaliya raadka khatarta ah ee kaga iman kara fallaaraha qorraxda.

4. Yareynta ilawga iyo Gariirka

id="1" style="background-color: white; border: 0px; box-sizing: inherit; clear: both; font-family: Oxygen, sans-serif; font-size: 1.22222rem; line-height: 1.3; margin: 0px 0px 20px; outline: 0px; padding: 0px; vertical-align: baseline;">

Shaaha cagaaran ayaa qeyb weyn ka qaata inuu hormariyo shaqada maskada, waxaa kale oo uu ka hortagaa in ay gabawdo. Alzheimer’s waa xanuun waxyeeleeya neerfayaasha waxaanu badanaa ku dhaca dadka, xanuunka oo keena dementia.

Parkinson’s xanuunkan ayaa ah kan labaad ee ugu badan dunida kuna dhaca neerfayaasha waxa lala xidhiidhiyaa inuu dilo unugyada soo saara dopamine ee maskaxda.

5. Waxa uu ka hortagaa burooyinka kansarka ah

Cilmibaadhisaha ugu waaweyn ee lagu sameeyey shaaha cagaarani waxa ay isku waafaqsan yihiin in uu yareeyo heerka khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarka.

In kasta oo ay jiraan saynisyahanno kale oo iyagu dood ka qaba in uu shaaha cagaarani awooddaas inta le’eg leeyahay, haddana sida lagu ogaaday daraasad soo baxday sannadkii 2015 ka, waxa ay khubarada sayniska badankoodu aaminsan yihiin in shaahacagaarani uu yareeyo suurtogalnimada in qofka kansar ku dhaco, maadaama oo uu la dagaalamo koritaanka xidhmooyika iyo wasladaha kansarka, haddii ay qofka hayaanna u u diido in ay jidhka ku faafaan.

6. Shaaha Cagaaran waxa uu afka ka kaxeeyaa urta

Shaaha cagaaran waxa uu gaar u leeyahay awood dili karta dhammaan bakteeriyada afka ku dhalata, sidaa awgeed waxa uu ka hortagaa in ilkaha uu ku samaysmo lakabka dhagaxa ah, waxa uuna kor u qaadaa caafimaadka cirridka.

7. Wuxuu la dagaalama cudurka Caabuqa/ Infekshanka

Sida lagu sheegay daraasado xidhiidh ah waxaa uu shaaha cagaran uu la dagaalamo bakateriyooyinka qaar, gaar ahaana kuwa afka ku dhasha sida sterptoccocus mutans iyo qeyb ka mid ah viruska keena Durayga/Hargabka ee influenza virus.


8. Wuxuu kaa caawinayaa ka hortaga macaanka

Waxa uu ka caawiyaa ganaca inuu soo saaro insulin ku filan isaga fudeydiya in xadiga sonkorta ah ee dhiiga la dhimo. 48% japan.

9. Caafimaadka Wadnaha ayuu sara u qaadaa

Shaaha cagaaran waxa uu sara u qaadaaa caafimaadka wadnaha, waxa uuna difaaaa xanuunada ku dhaca wadnaha, waxa uu sidoo kale shaaha cagaaran hoos u dhigaa duxda dhiiga sida cholesterol sha.


Comments

Popular posts from this blog

Sida Miisaanka Loo Dhimo 7 Maalmood Gudahood